Tel Aviv (KAAB TV) – Warbaahinta gudaha ee Israel oo si kala gedisan uga hadashay warka sheegaya in Netanyahu uu qaatay go’aan uu ciidamada ku amrayo in ay gebi ahaanba xoog ku qabsadaan marinka Qaza.
Sida ay shaacisay warbaahinta Yedioth Ahronoth oo soo xiganaysa ilo ku dhow Netanyahu ayaa sheegaya in Trump uu amar siiyay ogolaansho howlgali milatari, madaama ay walaalahoodu ay gaareen meel xun oo aan xal laheyn
Sidoo kale, arrimuhu waxay u socdaan dhanka qabsashada si buuxda ee Gaza. Haddii arrintaas aysan ku habboonayn Taliyaha Ciidamada, ha iscasilo.
“Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Israa’iil ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa Washington, kadib wararka sheegaya in Netanyahu uu go’aansaday in la qabsado Gaza” Channel 12 oo soo xiganaysa qoysaska maxaabiista Israa’iil ee Gaza ku xiran.
Qabsashada Gaza waxay la micno tahay in la waayo maxaabiista la haysto iyo in dhimasho badan ku timaado ciidamada Israa’iil.
“Ilaa iyo hadda ma jiro go’aan kama dambeys ah oo Netanyahu ku amray ciidamada Israa’iil inay weerar cusub ku qaadaan kuna galaan inta kale ee Gaza, balse u janjeeridda dhankaas ayaa sii kordheysa” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta Isra’iil
“Ka hor kulanka Golaha Wasiirrada Amniga (kabinett-ka) berri weli ma jiro go’aan kama dambeys ah oo Netanyahu ku siiyay ciidamada Israa’iil inay weerar cusub ku qaadaan kuna galaan inta kale ee dhulka Gaza, balse u janjeeridda dhankaas ayaa sii kordheysa” ayuu markale yiri mas’uulka siyaasadeed ee Isra’iil katirsan.

