Addis Ababa (KAAB TV) -Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay taageerto dadaalka Itoobiya ee ku aaddan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh oo la heli karo oo dalka oo dhan ah.
Owen Kaluwa, oo ah wakiilka WHO ee Itoobiya, ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee dowladda ee isku dhafka xalalka cusub si loo hormariyo horumarka dalka ee ku wajahan daboolida caafimaadka caalamiga ah (UHC).
“Itoobiya waa hogaamiye goboleed qaadashada hal-abuurnimo ee dhaqaajisa isbeddelka nidaamka caafimaadka qaranka,” Kaluwa ayaa yidhi. “Dalku wuxuu si ula kac ah ugu darayaa teknoolojiyad cusub si kor loogu qaado tayada adeegga, badbaadada bukaanka, iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.”
Waxa uu carabka ku dhuftay in barnaamijyada socda ay ka faa’ideystaan tignoolajiyada si loo horumariyo bixinta adeega caafimaadka waxa uuna carabka ku adkeeyay in hal-abuurku ay muhiim u yihiin gaaritaanka Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs) marka la gaaro 2030, gaar ahaan yoolka la hiigsanayo caymiska caafimaadka caalamiga ah.
“WHO waxay weli u heellan tahay inay la shaqeyso Itoobiya si ay uga faa’iideysato fursadaha uu soo bandhigay Kacaankii Warshadaha ee Afraad, oo ay ku jiraan sirdoonka macmal iyo xalalka caafimaadka dhijitaalka ah, si loo dardargeliyo hal-abuurnimada waaxda caafimaadka,” Kaluwa ayaa u sheegay adeegga wararka maxalliga ah ee ENA.
Waxa uu xusay in Ururku uu Itoobiya kala kaashaday hindiseyaal badan oo diiradda lagu saaray la dagaallanka iska caabinta ka hortagga jeermiska iyo kor u qaadista tayada daryeelka caafimaadka oo qayb ka ah ajandaha ballaadhan ee UHC.
WHO waxay sii wadaysaa inay taageerto istaraatiijiyadaha Itoobiya si loo xaqiijiyo badbaado, tayo sare leh, iyo adeegyo caafimaad oo la heli karo, iyadoo la ballaarinayo habab cusub oo lagu gaaro bulshooyinka aan la adeegin,” ayuu yidhi.
Kaluwa ayaa ugu dambeyntii ku nuuxnuuxsatay in iskaashiga xooggan iyo ku-dhaqanka wax-ku-oolka ah ee hal-abuurku ay lagama maarmaan u yihiin horumarinta adeeg bixinta caafimaadka iyo helitaanka daryeelka guud ee caalamiga ah.

