SO | EN

SO | EN

Mareykanka iyo Rwanda oo ku heshiiyay in dadka laga soo tarxiilo U.S.A lageeyo Rwanada

|

Kigali (KAAB TV) – Dowladaha Mareykanka iyo Rwanda, ayaa lagu soo warramayaa in ay dhawaan ku heshiiyeen  in dadka laga tarxiilayo Mareykanka la geeyo magaalooyin kuyaalla dalka Rwanda, si ay dalkaasi nolol cusub uga bilaabaan.

Sidoo kale, Warbaahinta Mareykanka qaarkood, ayaa ku warramaya in Mareykanka kula heshiiyay dalka Rwanda in  uu qaabilo illaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilaya Mareykanka, Rwanda ayaana la sheegay in ay aqbashay qorshahan Mareykanka uu wato.

Dhanka kale, heshiiskan oo ay markii ugu horeysay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters, ayaa waxaa bishii June ee sannadkan magaalada Kigali ku kala saxiixday saraakiil Mareykan iyo Rwandan ah,  sarkaal u dhashay  Rwanda oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in Mareykanku uu horay u diray liiska 10-ka qof ee ugu horeeyay.

Sikastaba, dowladda Mareykanka, ayaana si rasmi ah uga hadlin heshiiskan muhaajiriinta lagu geenayo dalka Rwanda ee dhax maray Mareykanka iyo Rwanda, waxaana horey u diiday dalal dhowr ah in loo keeno muhaajiriinta sida qasabka ah looga soo tarxiilayo dalka Mareykanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News