SO | EN

SO | EN

Ruushka oo ku xad gudbay mid kamid dalalka katirsan Isbaheysiga Nato

|

Lithuania (KAAB TV) – Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa si ula kac ah u galay labo mar hawada dalka Lithuania oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga NATO.

Sidoo kale, Lithuania way ku guul darraysatay inay soo rido diyaaradahan oo aan la shaacin halka ay ku qarxeen.

Dhanka kale, arrintan waxay dhalisay inay Lithuania codsi rasmi ah u dirto NATO oo ay usoo jeediso in nidaamyo difaac oo awood u leh ka hortagga diyaaradahan in la keeno dhulkeeda.

Waxay u muuqata farrintan midii u horreysay uu Ruushka u dirayo NATO, wuxuu Ruushku beegsanaya meelaha isbahaysigan ka jilicsanyahay.

Waxaa kaloo muuqata labo ujeeddo, nkastoo Lithuania ay tahay xubin NATO ah, tallaabadan ayaa muujinaysa in Ruushku ku kalsoon yahay inaysan jirin falcelin militari oo degdeg ah, taasoo shaki galin karta kalsoonida dadka deggan  Lithuania iyo xulafada kale ee bariga Yurub.

Sikastaba, Tan ayaa u muuqataa in Ruushku uu si ula kac ah u fiirinayo jawaabta iyo xawaaraha go’aan-qaadashada ee ciidamada Lithuania iyo taageerada NATO.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News