Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa wada diyaarinta mooshin la doonayo in xilka looga tuuro Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, marka uu furmo kalfadhigga Golaha Shacabka.
Sidoo kale, warar hoose oo uu kaabtv helay ayaa sheegaya in xildhibaannada mooshinka diyaarinaya oo ku sugan Muqdisho iyo Nairobi, ayaa wadaan abaabul iyo olole xooggan, si mooshinka ay wadaan u noqdo mid meel mara oo xilka looga tuuro Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda oo fashil lagu eedeeyay.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiladhiif Sanyare ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno badan wadaan abaabulka mooshinka xilka looga tuurayo Xamse Barre, waxa uuna xusay xildhibaanka in mooshinka hadda saxiixeen xildhibaanno gaaraya 120 xildhibaan, ayna filayaan in 23-ka bishan Baarlamaanka horgeeyaan mooshinka.
”Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Agust insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriiro”
Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, ayaa dhankooda wada tallaabooyin ay uga hortgayaan mooshinkan diyaarintiisa socda, waxa ayna labada masuul bilaabeen in xildhibaannada mooshinka wada qaarkood xiriir la sameeyaan, si ay u fashiliyaan mooshinka.
Sikastaba, marar badan ayaa sidaan oo kale waxaa usoo baxay mooshino la doonayay in xilka looga tuuro Ra’isul Wasaare Xamse Barre, hasa ahaatee mooshinnada ayaa noqday kuwa aan miro dhalin oo inta badan fashil kusoo dhammaaday, kaddib dedaallo Villa Soomaaliya u gashay fashilinta mooshinnadaasi.

