Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa shaaciyey caawa in la hakiyey go’aankii shirkadaha isgaarsiinta ay ku kordhiyeen qiimaha internetka iyagoo kordhiyey 100% taasoo ay ka qeyliyeen shacabka ku dhaqan degaannada Somaliland.
Sidoo kale, madaxweyne Cirro ayaa shacabka reer Somaliland lawadaagay in qiimaha internetka iyo ku hadalka taleefannada gacanta ah ay sidooda ahaan doonaan, isla markaana shacabka reer Somaliland ay niyada qeyr u sheegaan.
“Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.”
“Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Sikastaba, arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka ay soo saareen go’aan adag oo laxiriira in qimaha adeega internet-ka lagu kordhiyo %100, tallaabadaasi ayaana gudaha deegaannada Somaliland ka dhalisay carro xooggan, kaddib markii dibadbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi laga cabsi qabay in ay ka dhacaan Hargeysa, iyadoona goor sii horeysay boliiska Somaliland ay ka digeen in dibadbaxyo ka dhacaan Hargeysa.

