SO | EN

SO | EN

Iran oo bilowday in ay goobo muhiim ah geyso saynisyahanadooda Nukliyeerka

|

Tehran (KAAB TV) – Dowladda Iiraan, ayaa billowday inay meelo ammaan ah oo qarsoon u rarto kuna ilaaliso saynisyahanadeedii nukliyeerka ee ka badbaaday weerarradii ay Israa’iil ku dishay 30-ka saynisyahan, inta lagu jiray dagaalkii bishii June.

Sidoo kale, Xubnahan seynisyahannada muhiimka ah ee dhinaca nukliyeerka, ayaa la sheegay in ilaalin 24 saac ah ay heli doonaan, waxaana la geeyay goobo ay adag tahay in lagu ogaado si waxyeelo loo gaarsiiyo.

Dhanka kale, Wargeyska The Telegraph oo warbixintan baahiyay wuxuu ku sheegay tallaabadan in looga hortagayo, markii ay sirdoonka Iiraan oggaadeen inay Israa’iil heysato xogta in ka badan 100 saynisyahan oo ay qorsheynayso inay dhammaantood disho, si meesha looga saaro hamiga Iiraan ay ku doonayso inay hesho hub nukliyeer ah.

Israa’iil, ayaa dishay seynisyahanno badan oo dhinaca nukliyeerka ah intii uu socday duullaankii ay ku qaaday dalka Iran, waxaana Israa’iil dilka seynisyahannada u fududeeyay xubno kale oo katirsanaa seynisyahannada oo si hoose ula shaqeenayay sirdoonka Israa’il.

Sikastaba, dowladda Iran ayaa dhawaan daldashay mid kamid ah seynisyahannada hubka nukliyeerka Iran, kaddib markii la ogaaday in uu la shaqeeyo sirdoonka Israa’iil ee Mossaas uuna bixiyay xogta qaar kamid ah seynisyahannadii la dilay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News