SO | EN

SO | EN

DEG DEG: Dagaal culus oo udhexeeyo ciidanka Jubbaland iyo DFS oo ka socdo Beledxaawo

|

Beledxaawo (KAAB TV) – Faah faahino kala duwan oo laga helayo magaalada Beledxaawo ee duleedka magaaladan ayuu aroornimadii hore ee saaka ka bilowday dagaal culusu oo dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ay ciidanka DFS ee ku sugnaa maalmihii u dambeeyey gudaha magaalada weerar ku qaadeen goob ay kusugnaayeen ciidanka taabacsan dhanka Jubbaland, oo maalmihii u dambeeyey halkaas joogay markii laga saaray gudaha Beledxaawo.
Dhanka kale, Warar ayaa intaasi ku daraya in ciidanka taabacsanaa dhanka Jubbaland laga kiciyey goobihii ay xalay joogeen oo ahaa duleedka magaalada Beledxaawo, inkasta oo aysan jirin warar madax banaan.
ilaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku saabsan dagaalkan ka socdo Beledxaawo.
Sikastaba, dagaalkan ayaa imaanaya xili isbuucyo kahor degmada Beledxaawo laga saaray ciidankii Jubbaland ee halkaasi joogay markii hore kaddib dagaal xooggan oo halkaasi ku dhexmaray ciidmadii dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News