Ecuador (KAAB TV) – Boliiska dalka Ecuador ayaa faah faahin ka bixiyay sideed qofood oo ku dhimatay rasaas ay fureen rag hubeysan oo weeraray dad isugu soo baxay, goob lagu caweeyo oo ku taalla gobolka Guayas.
Sidoo kale, lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarka ka dhacay magaalada Santa Lucia, qofka kamid ah dadka la dilay wuxuu ahaa milkiilaha goobta weerarku ka dhacay.
Dhanka kale, Guayas waa mid ka mid ah afarta gobol ee xeebaha leh ee uu Madaxweyne Daniel Noboa geliyay xaalad degdeg ah, si loola tacaalo rabshadaha ay kooxaha burcaddu ka wadaan halkaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ecuador ay dagaal kula jirto kooxo dambiilayaal ah oo isku heysta gacan ku haynta marinnada tahriibinta daroogada.

