SO | EN

SO | EN

Ciidamada Ruushka oo weerar culus ku qaaday gobolka Donetsk

|

Donetsk (KAAB TV) – Ciidamada milatariga Ruushka, ayaa saakay oo Talaado ah weerar culus oon horey loo arag, waxa ay ku qaadeen ciidamada Ukraine ee difaaca uga jira gobolka Donetsk ee bariga Ukraine, waxaana halkaasi ka socda dagaal aad u culus.

Sidoo kale, dagaalkan saakay Ruushka ku qaaday ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira, ayaa la sheegay  inuu yahay midkii ugu cuslaa tan iyo sanadkii 2022 markii uu bilowday dagaalka labada dal u dhaxeeya, waxa uuna weerraka Ruushka saakay qaaday isugu jira weerar cir iyo dhul ah.

Ruushka, ayaa doonaya in uu burburiyo difaaca adag ee ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donetsk, inta badan gobolkaasi oo horey Ruushka ugu fashilmay in ay ka ciidamada Ukraine ee difaaca adag halkaaso uga jira.

Dhanka kale, Vladamir Putin, oo jimcaha lafilaayo in uu lakulmo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa raba kahor kulanka in ay la wareegaan gobolka Donetsk, si uu Ruushka ugu gorgortamo in gobolkaasi lagu wareejiyo.

Sikastaba, Trump, ayaa horey u sheegay in suuragal tahay in Ruushka loo dhaafo qaar kamid ah gobolada uu ka qabsaday dalka Ukraine, si xal nabadeed loo helo loona soo afjaro dagaalka dhiigga badan ku daatay ee sanadaha ka socda dalka Ukraine.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News