SO | EN

SO | EN

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku filisay Rag As katirsanaa

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo horey xukun dil ah loogu riday, kuwaa oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale, ragan xukunka dilka ah lagu fuliyay oo kala ah Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad), ayaa horey loogu helay in Al Shabaab katirsanaayeen ayna geesteen dilal iyo qaraxyo.

Dhanka kale, Saraakiil ciidan oo katirsan Maxkamadda ciidamada, ayaa ku sugnaa fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay xubnahan katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo saakay adduunka laga diray muddo ay xirnaayeen kaddib.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in xukunnada dilka ah ku fuliso maxaabiista xiran ee xukunnada ku dhaceen, waxaana maalmo kahor siyaabo kala duwan xukunno dil ah loogu fuliyay rag katirsanaa Al Shabaab iyo sidoo kale askar kooxdaasi u fududeysay dilka sargasl ciidan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News