SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo go’doomisay Xarardheere iyo cabsi ka jirta Warsheekh

|

DHUUSAMAREEB (Kaab TV) – Odayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa deegaanka ayaa sheegay inay xaalad adag soo wajahday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay hareereysay degmada.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in illaa saddex jiho ay culeys kasoo saareen Xarardheere oo dhowaanahan ay joogaan ciidamo deegaanka oo ka tirsan kuwa Macawiisleyda qabiilada Xarardheere.

“Maalintii shalay [Jimcihii] ayay Shabaab weerar culus ku soo qaadeen degmada. Dagaalka wuxuu sababay dhimasho badan. Waxaa la dagaallamaya waa ciidan beeleed kaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Aamin.

Maamulka Galmudud iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan gurmad u fidin maleeshiyaadka beelaha ee jooga Xarardheere, iyadoo hadda A;-Shabaab ay xireen waddooyinkii ay sahayda soo mari jirtay.

Cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ah ayaa qiimahoodu sare u kacay maadaama ay kooxda Al-Shabaab go’doomiyeen degmada Xarardheere oo ah degmo xeebta ku taala.

Khabiir amni oo lagu magacaabo Maxamed Sahal ayaa sheegay in Xarardheere ay ahayd degmo muhimad gaar u leh Shabaabka oo ay xeebaha kala soo degi jireen hubka iyo maleeshiyaadka.

“Sidaas darteed waxay Shabaab u tahay dib u qabshada Xarardheere mid muhiim ah,” ayuu yiri Maxamed Sahal.

Waxay kaloo Shabaab u adeegsan jireen Xarardheere afduubka maraakiibka oo kooxaha burcad badeeda ay kula shirkoobi jireen, sidaasna ay lacago malaayiin doollar ku soo gali jirtay,

Ciidamada beelaha ee Macawisleyda loo yaqaano iyo ciidamo taabacsan maamulka Galmudug ayaa qabsaday degmada Xarardheere oo ka saaray Shabaabka horraantii sanadkii 2023.

Hase yeeshee wixii tan iyo markaas ka dambeeyay waxay Al-Shabaab soo qaadeen weeraro dhowr ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay, iyagoo dhanka kale qaraxyo ka geysta tuulooyinka iyo waddooyinka ku dhow Xarardheere.

SHABEELLAHA DHEXE

Dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in odayaal deegaanka ay kulan la yeesheen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo hab qabiil kula kulmay odayaasha deegaanka.

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa soo gaaray deegaanka Maxaa Saciid ee Warsheekh, halkaas oo la sheegay inay odayaasha kula kulmeen.

Degmada Warsheekh waxay Muqdisho u jirtaa illaa 61km dhanka waqooyi bari.

Dad ku sugan Warsheekh oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa Kaab TV u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay odayaasha kala hadlayeen arrimo ku saabsan maleeshiyaad beeleedka Macawisleyda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News