Laascaanood (Kaab TV) – Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay xildhibaannada dowlad-goboleedkaasi, kuwaas oo sidoo kale la guddoonsiiyay shahaadada xildhibaannimada.
Liiska xildhibaanada la dhaariyay ayaa ka kooban 83 xubnood oo laga soo xulay qabiilada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle.
Waxaa dumar ah kaliya afar xubnood halka 79 kale ay yihiin rag.
-
Gobolka Sool waxaa la siiyay 30 xildhibaan
-
Gobolka Sanaag waxaa la siiyay 37 xildhibaan
-
Degmada Buuhoodle (Togdheer) waxaa la siiyay 16 xildhibaan
Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Waqooyi Bari, Maxamed Yuusuf Warsame, ayaa si rasmi ah u dhaariyay xubnaha Golaha Wakiillada.
Dhaarta kadib, waxaa xiga in xildhibaannadu doorteen guddoomiyahooda, ka hor inta aan la guda gelin doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Salaad Warsame oo ah qofka ugu da’da weyn mudanayaasha cusub.
Magaalada Laascaanood ayaa haatan ka socota qaban-qaabada doorashada, iyadoo halkaasi ku sugan tobannaan musharrax.




