Shabeellaha Dhexe(KAAB TV) –Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer hawleed ku tegay furimaha hore ee dagaalka ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wefdiga oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Amb. Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, xildhibaan Cismaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Korneyl Maxamuud Maxamed Masdile.
Intii uu ku sugnaa deegaanka Xaaji Cali ee degmada Cadale, Jeneraal Muungaab ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka sida geesinimada leh ee ay u difaacayaan qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyuhu wuxuu ciidanka ku abaalmariyey 20 neef oo geel ah, kuwaas oo loo qaybiyay furimaha kala duwan ee gobolkaas.
Isagoo ka hadlayey kormeerkiisa, Jeneraal Muungaab wuxuu caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u garab taagan yahay ciidamada wadajirka ah ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isaga oo xusay in amniga caasimadda Muqdisho uu si dhow ugu xiran yahay xasilloonida gobollada dariska ah, gaar ahaan labada Shabeelle. Wuxuu intaas ku daray in maalmaha soo socda uu booqan doono deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, si loo adkeeyo wadashaqeynta iyo hawlgallada socda.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale shaaciyey in maamulka gobolka Banaadir uu si joogto ah u dardargelin doono kormeerrada iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo la fulinayo hagidda iyo amarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.









