LAASCAANOOD (KAAB TV) –Guddiga doorashada baarlamaanka cusub ee gobolka Waqooyi Bari ayaa maanta oo Talaado ah soo bandhigay xeer hoosaadka lagu dooranayo madaxda baarlamaanka, sida guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Musharixiinta doonaya xilka guddoomiyaha baarlamaanka waa in ay bixiyaan lacag dhan 5,000 oo doolar ragga iyo $2,500 dumarka.
Musharixiinta ku xigeennada baarlamaanka ayaa laga doonayaa in ragga ay bixiyaan $3,000, halka haweenkana ay bixiyaan $1,500.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in doorashada la qaban doono 23-ka Agoosto, 2025, waxayna carrabka ku adkeeyeen shuruudaha dhaqaale ee laga rabo dhammaan musharraxiinta.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cali Xoosh ayaa guddiga kula dardaarmay in ay xaqiijiyaan in hannaanka loo maray si hufan oo cadaalad ah.

