SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo lawareegay saldhig kooxda Daacish kaga sugneyd Calmiskaad

|

BOOSAASO (KAAB TV) – Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay ceelkii Garooba ee togga Baallade, halkaasi oo ay dhawaanahan ku jireen firxad ka tirsan Daacish.

Sidoo kale, Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo arroornimadii hore ee saaka qaaday hawlgal qorshaysan ayaa la wareegay ceelka Garooba oo ka mid ah goobihii ugu danbeeyay ee firxadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade, isla markaana leh difaacyo adag oo dabiici ah, sidaan ay sheegeen saraakiil katirsan ciidanka difaaca Puntland.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada difaaca Puntland wax iska caabin ah kala kulmin qabashada Garooba, islamarkaan ay sinabad ah kula wareegeen ceelkii Garooba ee togga Baallade.

Kooxda Daacish ee joogay ceelka ayaa ka bxay ka hor inta aysan ciidamadu gudaha u gelin, waxaana ciidamadu halkaasi ka heleen saad kooban oo kooxdu ka tagtay.

Sikastaba, Ciidanka difaaca Puntland ayaa wali ku guda jira soo afjarida kooxda Daacish kaas oo haatan maraya wijigii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka kooxda Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News