Nairobi (KAAB TV) – Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobi dalka Kenya, ayaa digniin dhanka amniga ah soo saartay iyada oo muwaadiniinteeda iyo Ajaanibta kale uga digtay halista ka dhalan karta weerarro ay geysan karaan Al shabaab iyo kooxo kale oo ay ugu yeereen in ay yihiin Argagixiso.
Sidoo kale, war qoraal oo ah oo kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in ay dadka kula talineyso in ay ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka noqon kara oo ah goobaha kulanka Bulshadu ku badan tahay sida Hoteellada, Maqaaxiyada, Suuqyada, Iskuullada, Saldhigyada Booliiska iyo kuwa Cibaadada.
Dhanka kale, Safaaradda ayaa intaas ku dartay in digniin iyo bilaa digniinba ay dhici karaan weerarradaan balse loo baahan yahay in feejignaanta Muwaadiniinta & Ajaanibta kale ay marweliba ahaato mid aad u sarreysa sida hadalka loo dhigay.
Sikastaba, ujeedka weerarrada ayay Safaaraddu ku sheegtay in kooxaha fulinaya ay ku maamuusi karaan weerarro horay u dhacay sida kii safaaradda Nairobi, Suuqa Westgate Mall iyo kan Xamaas ku qaadday Israa’iil sida lagu yiri digniinta kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya.

