MUQDISHO (KAAB TV) –Madaafiic dhowr ah ayaa xalay lagu garaacay saldhigga ciidamada Hiilweyne, oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degmada Balcad, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah Khamiista maanta ah.
Saldhiggan ayaa waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana horay u booqday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay.
Dadka ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow ayaa ku baraarugay dhawaqa qaraxyada, iyadoo madaafiicda ay ku dhaceen gudaha iyo hareeraha xerada.
“Qaraxyo kala duwan ayaa ka dhacay dhanka saldhigga,” ayuu yiri goobjooge ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta. “Waxaan ka shakisannahay in weerarka ay fuliyeen dagaalyahannada Al-shabaab, maadaama looga bartay inay ka howlgalaan deegaannada ku xeeran.”
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo dhanka kale ciidamada Milatariga Soomaaliya aysan weli war rasmi ah ka soo saarin dhacdadaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Deegaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo Al-Shabaab ay inta badan beegsato fariisimaha ciidamada ay ku leeyihiin qaraxyada iyo rasaas dadban.

