SO | EN

SO | EN

Wararkii udambeeyay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo dad shacab ah

|

 Jigjiga (Kaab TV)– Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamada militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabri-dahar.

Waxaa ka dhashay iska hor-imaadkan khasaare kala duwan, illaa haddana inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Qabridahar.

Iska hor-imaadkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ay ciidamada militariga oo xilligaasi dhex-marayay magaalada ay dhagaxaan ku tuureen dad shacab ah, kadibna ay ciidamada itoobiya adeegsadaan rasaas iyo jidh dil.

caro ka dhalatay dhacdadan ayaa hareysay guud ahaan magaalada, iyada oo shacab tiro badan oo arrintaas ka carooday ey soo buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadkaasi ayaa waxa ay caradooda kumuujinaayen erayo ay kaga soo horjeedaan rasaata iyo jirdilka ay ciidamada militariga Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada.

Maamulka magaalada Qabridahar ayaa sheegay in ey kaxun yihiin dhacdadaas waxeyna tilmaameen in ey layeelan doonan kulan deg-deg ah maamulka ciidanka Itoobiya.

Hasayeeshee xaalada ayaa haatan ah mid dagan kadib iska hor imaadkii ka dhacay maanta magaalada Qabridahar waxaana sida caadiga ah kusoo laabtay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada Qabridahar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News