Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Fiqi “Nin Qori Muqdisho ku dhex qaadan kara ma jiro”

|

Muqdisho (KAAB TV) –Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in aanay jirin qof mucaarad ah oo hub ku dhex qaadan kara Magaalada Muqdisho, waxa uu intaas ku daray in muddo 5 jeer ah lala kulmay xubnaha mucaaradka ah.

“Nin Qori qaadan karo ma jiro, Aniga oo Wasiirka Gaashaandhigga ah ayaa dhahaya, Nin qori magaalada Muqdisho dhexdeeda ku qaadan kara ma jiro, Yuhuud maa tahay ayaa dhacayso, bootadaas way dhammaatay” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi.

Dhanka kale, Axmed Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha ku midoobay madasha Samatabixinta, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in aanay jirin sabab dib u dhigi karta doorashada dadweyne ee qof iyo codka ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in weli ay jirto dhibaatada laga dhaxlay doorashooyinka dadban oo xitaa jufooyinka leh kuraasta Xubnaha Xildhibaannada Baarlamaanka oo xitaa gaartay doorashooyinkii ugu dambeeyay ku kala go’een beelaha leh sida uu hadalka u dhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News