Dowlad Goboleedyada Soomaaliya xiliyada lasameeyay

|

Muqdisho (KAAB TV) -Sida ku cad Dastuurka KMG ah ee 2012, Soomaaliya waa dal federaal ah, oo ka kooban dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo leh maamul heer deegaan ah.

Hadda (2025) waxaa jira:

Soomaliland oo Arinteeda xal gooni ah rabto marka laga so tago waxaa jira Dowlad Goabaleedyo Dowlada dhexe toos u hoos imadan.

1. Puntland – xarunta waa Garoowe

Waxaa la asaasay 1998, waa dowlad goboleedkii ugu horreeyay.

2. Jubbaland – xarunta waa Kismaayo

Waxaa la dhisay 2013, waxay ka kooban tahay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

3. Galmudug – xarunta waa Dhuusamareeb

Waxaa la dhisay 2015 iyadoo mideeyay Galgaduud iyo Mudug.

4. Hirshabeelle – xarunta waa Jowhar

Waxaa la sameeyay 2016, waxa uu ka kooban yahay Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

5. Koonfur Galbeed (South West State) – xarunta waa Baydhabo

Waxaa la dhisay 2014, wuxuuna ka kooban yahay Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

6. Banaadir (Muqdisho) – Caasimadda Federaalka

Banaadir weli rasmi ahaan ma helin heer dowlad goboleed, balse waxa ay si toos ah hoos ugu jirtaa dowladda federaalka. Waxaa ka socda dood siyaasadeed oo ku saabsan sida loo maamulo.

7. Woqooyi Bari Soomaaliya (WBS) Xarunta laascanood.

Waxaa la dhisay 2025, waxuuna ka kooban yahay 2Gobol Sool iyo Sanaag.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News