Nairobi (Kaab TV)– Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa markii ugu horeysay si weyn ugu dhaliilay Midowga Afrika in uu awoodi waayo la tacaalidda arrimaha Afrika muddo ka badan lixdan sano oo uu jiray.
Ruto ayaa tilmaamay in ey tahay wax laga xumaado in Midowga Africa uu uqeyliyo lacagta $90-ka malyan oo dollar oo loogu talagalay ciidamadooda u jooga nabad ilaalinta Soomaaliya.
Waxaan baahannahay su’aalo weydiinta maamulka Midowga Afrika. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85 Milyan. Waa waalli Ma waxaad ii sheegaysaan 54 dal 60 sano kadib xornimadooda ma maamuli karaan $85 Milyan oo lagu taageero Soomaaliya ayuu yiri Ruto.
Madaxda gobolka ayaa dhawaan ku kulmay Kampala, halkaasi oo ay ugu wadahadleen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga Africa si uu u taageero kor u qaadida awoodda amni ee Soomaaliya.