Koofur Galbeed, Galmudug & Hir-Shabeelle oo Dadka sameysanaya NIRA lacag looga qaado

|

Muqdisho (KAAB TV) -Xarumaha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmdugu iyo Hir-Shabeelle ee lagu bixiyo Kaarka aqoonsiga Muwaadinka waxaa dadka doonta kaarkaas laga qaadaa lacag dhan $2.5 .

Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar oo ah xarumaha saddexdaas Dowlad-Goboleed oo laga bixiyo kaarkaan waxa ay Dadka lacagaha ku tuuraan labo qaab oo kala ah:

Xarumaha qaar marka qofka uu gudbiyo dukumiintiyada muhiimka ah Dhalashada iyo Sugnaanta, Ruqsad ama Baasaboor isla markaana la xaqiijiyo sax naashiyahooda waxa laga hormariyaa lacag halka meelaha qaar marka uu kaarka soo baxo laga qaado.

Teleefannada lagu tuuro lacagaha ay aanay ahayn kuwa ku xiran Koontooyinka balse waxaa ku qoran Xafiiska NIRA ee Magaaladaas sida Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Kaarka Aqoonsiga Muwaadinku waa kaar si siman loo siiyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka sharciga deggan ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka. Kaadhkani waxa uu ka kooban yahay 11 nambar oo u gaar ah oo aan marna isbeddelin, isla markaana caddaynaya in qofka haystaa uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Muuqaalka kaaRka aqoonsiga muwaadinka ayaa ka duwanaan doona kan la siiyo dadka aan u dhalan dalka ee sida sharciga ah u degan.

Magaalada Muqdisho waxa ay Dadka kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ku qaataan si bilaash ah, billowgii dalbashada NIRA ee Caasimadda waxa uu ahaa $5 Laakiin muddo kaddib ayaa la joojiyay lacagahaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News