Bariire (KAAB TV) – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Khaalid iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan Taliyaha ciidanka Turkisom ayaa gaaray jiida hore ee dagaalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha hoose.
Sidoo kale, taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulama gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Deegaanka Number 50 ee Gobalka Shabellaha Hoose.
Dhanka kale, waxa ay booqdeen Isbitaal dhismihiisu ka socdo gobolka Shabeelaha hoose, oo hadda ku dhow heer gebo gebo ah.
Gen Sebahattin waxa uu tan iyo sanadkii 2024 ahaa la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhismaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa xaadiray dhowr kulan oo madaxweynuhu la yeeshay lataliyaasha gaar ah waxa uuna sigaar ah u qaabilsan yabay strategy qaab dhismeed ciidanka.
Sikastaba, waa markii ugu horaysay ee saraakiisha Turksom lagu arko jiida hore ee dagaalka.


