MUQDISHO (Kaab TV) – Afar xubnood oo ka tirsanaa Golaha Samatabixinta mucaaradka Soomaaliya ayaa Isniintii, 25 August 2025, ku dhawaaqay inay isaga baxeen madasha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta.
Xubnahani waxay arrintan ku shaaciyeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho, kaas oo ay la joogeen Ra’isul Wasaare ku xigeenka, Saalax Jaamac iyo wasiirka cadaaladda, Xasan Macallin ee dowladda federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo cadaadis xooggan kala kulmaya mucaaradka, ayaa si degdeg ah u soo dhaweeyay go’aanka afarta xubnood, isaga oo sheegay inay heshiis wada gaareen, kaas oo la xiriira doorashada uu qorsheynayo in uu qabto—doorasho ay shaki badan ku hareeraysan tahay suuragalnimadeeda.
Afarta xubnood ee ka baxay Madasha
Afarta siyaasi ee ka goostay mucaaradka ayaa kala ah:
- Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke – Ra’iisul wasaarihii hore
- Shariif Xasan Sheekh Aadan – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne hore KGS
- Maxamed Mursal Cabdiraxmaan – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka
- Daahir Maxamuud Geelle – La taliyihii hore ee Xasan Sheekh ee arrimaha Carabta iyo safiirkii Ururka Islaamka (OIC)
Heshiiska hoose iyo lacagta la bixiyay
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu afartan xubnood ku qanciyay lacag dhan hal milyan oo dollar, midkiiba uu helay $250,000.
Heshiiskaan waxaa la sheegay inuu ka koobnaa ballanqaadyo siyaasadeed oo gaar gaar ah:
Cumar Cabdirashiid Sharma’arke– Waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo xisbi cusub oo uu ka diiwaangashan doono Muqdisho maadaama uu ka soo burburay xiriirkii uu la lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo taasi ay kala wareegtay hadda dowladda Puntland. Cumar wuxuu doonayaa sidii uu siyaasadda ugu sii jiri lahaa, taasoo u baahan in marka hore uu xajisto kursigiisa baarlamaanka, taasina ay u baahan tahay inuu dagaal siyaasadeed la galo madaxweyne Siciid Deni oo ay Xasan Sheekh uu kala dhexeeyo dagaal siyaasadeed aad u adag.
Shariif Xasan Sheekh Aadan – Waxaa loo ballan qaaday inuu u tartami karo kursiga madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo caqabad ku noqon karta Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo xiriir siyaasadeed la leh Xasan Sheekh, rabana inuu marka kale kursiga ku soo laabto walow uu hadda waqtigiisu yahay muddo dhaaf.
Maxamed Mursal Cabdiraxmaan – Waxaa la siiyay ballanqaad ah in Xasan Sheekh taageeri doono sidii uu u heli lahaa kursigiisa baarlamaanka marka la gaaro doorashada 2026 si ay ugu suurgasho inuu markale u tartamo jagada guddoomiye baarlamaan, walow taasi ay ku xirnaan doonto ergada beesha isla leh kursiga ee uu kasoo jeedo Maxamed Mursal.
Daahir Maxamuud Geelle – Waxaa loo ballan qaaday in loo magacaabo Safiirka Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Daahir Geelle hore uga niyad jabay safiirnimadii OIC kadib markii uu waayay wax dhaqaale ah, balse safaaradda Sacuudiga ay tahay mid dhaqaale badan laga sameeyo, gaar ahaan arrimaha tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah ee Soomaalida.

Saameynta siyaasadeed
Inkasta oo heshiiskaan uu muujinayo sida Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsanayo ballanqaadyo iyo dhaqaale si uu u daciifiyo mucaaradka, haddana khubarada siyaasadda ayaa rumeysan in ka bixitaanka afartan xubnood aanu wax weyn ka bedeli doonin awoodda Madasha Samatabixinta.
Warar aan helnay ayaa tilmaamaya in siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan kuwa beelaha Hawiye, ay qorsheynayaan inay xaruntooda ka guuriyaan aagga garoonka Muqdisho, iyaga oo si toos ah ugu dhexgali doona xaafadaha shacabka, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

