Muqdisho (KAAB TV) -Ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo xarrig sharci darro ah kula kacay wariyaal ka tirsan Kalsan TV
Maamulka Kalsan TV ayaa sheegay in Feysal Cabdi Faarax iyo Xasan Maxamed Xaashi ay ciidanka dharcadka ka qabteen kawaanka Kalluunka ee degmada Xamarweyne saacadu marka ay ahed 11:00 subaxnimo xilli ay wareysi ka soo qaadayeen dad ku sugnaa goobtaasi.
Wariyaasha ayaa la sheegay in la siidaayay saacadu marka ay aheyd 12:50pm.
“Caga-jugleyn, handaad iyo is hor-istaag shaqo ayaa lagula kacay wariyaasha,” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Kalsan TV.
Ciidamada dharcadka ee NIS ayaa waayadan danbe beegsi ku hayay saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Dhowrkii bilood ee lasopo dhaafay waxaa la arkay ciidan dharcadka oo wata bastoolado kuwaas oo jooga waddooyinka magaalada, iyagoo si gaar ah u beegsada suxufiyiinta wararka kasoo raadsada magaalada.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa sheegay in sannadkan ay korortay tirada suxufiyiinta gudaha Muqdisho lagu xiray.
Maalinkii shalay ayaa wariye Anisa Axmed oo ka tirsan Dalbile TV lagu xiray degmada Dayniile ka dib markii ay baahisay dhac iyo boob ku soo badanaya Muqdisho.

