NAIROBI (Kaab TV) – Liis qarsoodi ahaa oo soo baxay, kaas oo muujinaya waftiga rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u qorshaysay inay ku matasho shirweynaha 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) bisha September, ayaa dhaliyey walaac ballaaran oo ku saabsan tirada, qaab-dhismeedka iyo isticmaalka khaldan ee waftigaas.
Dukumiintiyo loo gudbiyey Safaaradda Mareykanka ee Nairobi 16-kii August si loogu dalbado fiisaha, ayaa muujinaya in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay wafti ka kooban 32 qof.
Liiska waxaa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gabadhiisa iyo wiilkiisa.
Si lamid ah, waxaa liiska ku jira afar qof oo isqabo, taas oo dhalisay shaki ah in xiriirka qoyska ka badan masuuliyad rasmi ahi uu door weyn ka ciyaaray ku daristooda.
Jadwalka safarku wuxuu caddeynayaa in waftigaasi uu New York ku sugnaan doono 15 maalmood – muddo dheer oo lagu joogo mid ka mid ah magaalooyinka ugu qaalisan dunida, halka dowladda Soomaaliya ku tiirsan tahay gargaar caalami ah.


Liiska waxaa kale oo ku jira laba ra’iisul-wasaare kuxigeen, ninka u dhashay madaxa borotokoolka Madaxweynaha (isna ah xildhibaan), iyo shaqaale badan oo aan wax shaqo ah ku lahayn shirarka UN-ka.
Qaab-dhismeedkan ayaa kiciyey dhaleecayn, iyadoo dadka badankiisu ay ku tilmaameen safarkaas inuu u egyahay fasax iyo dalxiis kharashkiisa shacabka laga qaadayo, halkii uu ka ahaan lahaa hawl diblomaasiyadeed oo diiradda saaraysa danaha dalka.
Inta ka sii daran, waxaa soo baxay walaac cusub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadka liiska ku jira aysan dib ugu soo laaban doonin Soomaaliya marka uu safarku dhamaado.
Waxaa jira cabsi ah in liiskan loo adeegsado fududayn tahriib sharci-darro ah ama xataa ka ganacsiga dadka, iyadoo arrimo noocan oo kale ah ay hore uga dhaceen dalal jilicsan oo nidaamyadoodu daciif yihiin.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya aysan weli awoodin inay si joogto ah u bixiso mushaaraadka shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo macallimiinta.
Hase yeeshee, dowladda ayaa haddana dirtay liiska intaa la eg oo u baahan hoyga iyo kharashaadka magaalada New York ay ku joogi doonaan laba toddobaad.
Waxaa intaas dheer in dowladda Mareykanka ay dhowaan dib ugu soo celisay Soomaaliya liiska dalalka lagu soo rogay xannibaadda fiisaha ee sharciyada socdaalka cusub ee Donald Trump.

