Muqdisho (Kaab TV)- Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya ardeyda jaamacada umada ka barata kulliyada Injineerinka oo si xun loo bahdilayo. Saaka ayay soo jarmaadeen illaa & hadana bannaanka ayay fadhiyaan.
Waxaa imtixaankii looga reebay inay bixiyaan lacagta Fee-ga balse waxay ku doodeen inay dib ka bixinayaan oo waalidkii ka bixin lahaa weli aanu waxba gacanta ku haynin.
Jaamacadii dowlada ayaa u dhaqmaysa sida mid gaar loo leeyahay waxayna ardeyda marsiinaysa ciqaab aad u daran.
Ardaydan ayaa bishii waxaa laga qaadaa lacag gaareyso $80 lacagtaas oo lagu sheegay in lagu bixyo qalimaanta iyo korontada jaamacada.
Sidoo kale waxaa meesha ka maqan doorkii ey dowladu ku laheyd gaar ahaan wasaarada waxbrashda oo laga rabay in ey fiiro gaar ah ulahaato wasaarada ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafey ku masuh qulsaneyd musalsal loogu magac daray Arday oo ka turjumaya xqiiqda dhabta ah ee kajirta waxbarashada Soomaaliya sida maanta ka dhacday jaamacada ummada oo maanta qaar kamid ah Ardaya oo lagula dhaqmay si aan wangasaneen.
Sida muuqata wasaarada waxbarashada ayaa gabtay doorkii ey utagneyd oo aheyd tayeenta waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waxaa sii yaraanaya rajadii laga qabay Waxbarashada Soomaaliya.