SO | EN

SO | EN

Khatarta Al-Shabaab way soo kordheysaa iyadoo dowladda ka mashquushay – Shariif Sheekh Axmed

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Khatarta kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay soo kordheyso ayna dib u qabsanayaan deegaano badan oo horey looga saaray, sidaas waxaa maanta sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay shir saxaafadeed maanta ay Muqdisho ku qabteen isbahaysiga mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ka dib shir ay ku yeesheen Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

“Kharta Al-Shabaab way soo kordheysaa, dowladdana sidii la rabay ugu hawlaneyn,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Al-Shabaab waxaad og tihiin meelihii laga xoreeyay inay ku soo laabteen, meelo kalana ay qorsheynayaan, iyadoo dowladda ay kaga mashquushay waxyaabihii lagu kala tagay,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in gobollada horey looga saaray Al-Shabaab ay qabsadeen, isla markaana ay jirto cabsi ah in meelo kale ay qabsadaan.

Magaalada Muqdisho ayay Al-Shabaab beryahaan dambe soo saareen culeys iyagoo maleeshiyaadkooda keenay deegaanada duleedka Muqdisho.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa cambaareeyay boobka dhulalka oo uu sheegay in kaliya dhulkii danta guud aan la qaadanin balse xitaa dhulka dadka gaarka u leeyihiin lagu wado xaraash.

“In dhulkii danta guud la xaraasho, oo haddana dhulkii dadka masaakiinta lagu darsado iyadoo dadka aan loo heyn hooy iyo meel ay galaan waa wax aad iyo aad looga xumaado,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka danbeeyo xaraashka iyo boobka dhulalka danta guud iyo midka ay leeyihiin shacabka masaakiinta ah ee Muqdisho.

Madaxweyne hore, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in dadka Muqdisho beryahaan lagu haayo afduub iyagoo kuwa ka hadla cabashadooda la qabqanaayo, wuxuuna tusaale u soo qaatay nabadoon Xuseen Xaadoole oo afar maalmood ku xiran Muqdisho, isla markaana wax maxkamad ah aan la horkeenin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News