Muqdisho (KAAB TV) -Xiisada u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in ciidamo loo diro Soomaaliya.
Itoobiya ayaa dhawaan ka digtay inay si dhow ula socoto ciidamada Masar ee imaanaya, iyadoo saraakiil ka tirsan milateriga Masar ay Axaddii soo gaareen Muqdisho si ay u qiimeeyaan goobaha la geeyo iyo gobollada ay ka howlgalaan.
Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya muran soo jireen ah oo salka ku haya biyaha webiga Niil, gaar ahaan biyo xireenka weyn ee Itoobiya ee lagu muransan yahay.
Itoobiya waxay u aragtaa joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya mid istiraatiji ah oo khatar ku ah danaheeda badda.
Mataan Cali Xasan oo ah khabiir dhanka amniga ah ayaa carabka ku adkeeyay madax banaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in dalka uu xaq u leeyahay in uu go’aan ka gaaro ciidamada shisheeye ee ka caawinaya amnigiisa.
Isagoo khadka taleefanka kula hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay joogitaankooda mid sharci darro ah, wuxuuna ugu baaqay in ay isaga baxaan.
Xasan ayaa ka digay in loolanka Masar iyo Itoobiya uu sii wajaho xasiloonida Soomaaliya, maadaama labada quwadood ee gobolka ay isku heystaan inay saameyn ku yeeshaan colaadaha socda.

