SO | EN

SO | EN

Maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo Booliis ah oo ku dagaalamay Baledweyne

|

BELEDWEYNE (Kaab TV) -Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay Xaafada Buundoweyn ee Magaalada Baledweyne, kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab ka helaayay askar ka tirsan ciidanka Militeriga gobolka Hiiraan.

Iska hor imaadka oo mudo kooban socday ayaa labada dhinac rasaas xoogan isku adeegsadeen waxaana iska hor imaadkaas ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliiska Baledweyne iyo qof shacab ah.

Sarkaalka iska hor imaadkan ku dhaawacmay oo ah Macalin Tababare oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa lagu magacaaba Dhaqane Cabdullaahi Wehliye oo loo yaqaano Xiirane.

iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay is hortaageen Injineero ku howlana cabirka wado laami ah oo la doonayo in dhawaan laga bilaabo dhismaheeda xaafada Buundaweyn.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amniga maagaalada Baledweyne oo ku aadan iska hor imaadka maanta ku dhexmaray Xaafada Buundoweyn ciidanka Booliiska iyo maleeshiyaadka hubeysan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News