Garawe (KAAB TV) –War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in ay jiraan dagaallamayaal firxad ah oo katirsan kooxda Dascish, kuwaa oo doonaya in ay dhax galaan dadka shacabka.
“Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Puntland.
Booliiska Puntland , ayaa ku wargaliyay dadka shacabka ah in ay booliiska kusoo wargaliyaan haddii ay arkaan firxadka kooxda Daacish ee damacsan in ay shacabka dhaxdooda gabaad ka dhigtaan.
“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah, ay si degdeg ah ula soo xiriiraan ciidanka booliska Dowladda Puntland iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999, WhatsApp: 905 811 111 oo heegan ah 24-ka saacba” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.
Kooxda Daacish , oo wajaheysa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidamada difaaca Puntland ayaa bilaabay in ay ka firxadaan dhulka buuraha Calmiskaad ay ku dhuumaaleesanayeen in muddo ah

