MOGADISHU (KAAB TV) –Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson, ayaa bogaadiyay Ciidanka Kumaandooska Somaliya, ee DANAB, isagoo ku sifeeyay mid ka mid ah ciidamada ugu awooda badan qaaradda Afrika.
Isagoo ka hadlayay ujeeddooyinka ballaarinta howlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya, ayuu Gen. Anderson ku nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee DANAB ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxa uu xusay in tobankii sano ee la soo dhaafay, tabobar iyo taageero joogta ah ay u beddeleen cutubka mid xirfad leh oo karti sare leh.
“Toban sano ayaan dhisnay DANAB, maantana waxay u taagan tahay mid ka mid ah ciidamada ugu xooggan Afrika, DANAB waa tusaale weyn, waxaana wadaagnaa taariikh iskaashi oo xooggan oo aan dooneyno inaan sii wadno,” ayuu yiri madaxa AFRICOM.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay in xiriirka sii kordhaya ee Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu walaac weyn ku hayo Mareykanka, isagoo sidoo kale tilmaamay in saldhigyada Daacish ay ku leeyihiin Waqooyiga Soomaaliya, halkaasi oo ay kooxdaasi kala kulmaan cadaadis xoogan.
Sida uu sheegay Gen. Anderson, Mareykanka ayaa weli ku adkeysanaya howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qiimeyn ballaaran lagu sameynayo howlgallada socda. Natiijooyinka waxaa loo soo bandhigi doonaa hoggaanka Mareykanka si ay u gaaraan go’aamo dheeraad ah oo ku saabsan baaxadda mustaqbalka ee ku lug lahaanshiyaha Mareykanka.
Faallooyinku waxay muujinayaan taageerada joogtada ah ee Washington ay siiso waaxda amniga Soomaaliya, iyadoo DANAB ay u taagan tahay tiir udub dhexaadka dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada.

