SO | EN

SO | EN

XOG Saciid Deni oo qorshaynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha ciidanka mid kamid ah

|

Garoowe (Kaab TV)– Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheyanaya inuu dhawaan xilka kaqaado taliyaha guud ee ciidanka darawiishta Puntland General Abshir Cabdi Jaamac.

Xogaha qaar ayaa sheegaya isbedelka cusub ee uu sameeynayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu qeyb kayahy in taliyaha cusub ee booliska loo magacaabayo Gaashaanle Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse Shaati kadib markii loo dalacsiiyay sarreeye Guuto.

Shaati ayaa hadda ah taliyaha ciidanka Madaxtooyada maamulka Puntland waxaana xilkaas loo magacaabay horraanta sanadkii hore ee 2022-ka, wuxuuna hadda kamid yahay saraakiisha ku dhow madaxweynaha Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu maanta madaxweyne Deni uu kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Puntland ee 54-aad oo qeybo kamid ah dib-u-dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Hasayeeshee isbeddelkan uu sameynayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu Saciid Deni uu wajahayo culeys siyaasadeed oo gudaha ah iyada oo muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News