Muqdisho (Kaab TV)– Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababta ka dambeysa in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii Isniinta ka qeyb-galay kulan dadweyne oo ay soo qabanqaabiyeen xubo katirsan Villa Somalia sida laga aqrisan karay su’aalihi laweydiiyay.
Xasan ayaa timaamay sababta ey dowladda Soomaaliya u doorbiday dalalka safka hore in ey kaqeyb qaatan waxa waaye in dalka laga saaro Al-Shabaab eysan helin meel ey kubaxsadaan ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in howl-galka la qorsheeyay ee ay wada-geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono muddo ku siman 90 maalmood oo keliya, oo kooxda lagu furayo furimo horleh, si loo wiiqo awoodooda gudaha dalka.
Si kastaba dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya wejiga labaad ee dagaalka kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka safka hore oo dowladda Soomaaliya ka gacan siinaya sidii kooxda looga cirib-tiri lahaa dalka.