Muqdisho (Kaab TV) – Wasaaradda Maaliyadda ayaa canshuur kordhin ku sameysay badeecadaha Muqdisho kasoo daga.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa u sababaysay canshuur kordhintan inay doonayso kordhinta dakhliga soo gala dowladda ayadoo aan eegin dhibaatada shacabka uga imaan karto haddii la kordhiyo waxyaabaha quutul daruuriga ah sida raashinka.
Inta badan dowladda ayaa qaado talaabooyinka eysan umeel dayin iyo waxa uga imaan karo hadii ey kordhiso canshuuta dowladda waxaa ka dhalanayo ciriiri xaga nolasha ah.
Waxaa jira boqolalkun oo qufood oo kunool gobolka Banaadir oo aan awoodin in ey shitaan dabka sababtoo ah waxey kamid yihiin dadka saameynta ugu badan uu kuyeelan karto kordhinta canshuurta badeecadaha ee aan loo meel dayin.