SO | EN

SO | EN

Waa kuma ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya?

|

Muqdisho (Kaab TV) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK ayaa noqon doonta madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ayna xilka kala wareegeysaa ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomalaiya, James Swan.

Aqoon ahaan waxay shabaadaha labaad ee Jaamacadda ee Mastarka loo yaqaan ka qaadatay kulliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London oo ay ka baratay arrimaha dhaqaalaha iyadoo sidoo kale shahaado la mid ah taa ka qaadatay Jaamacadda Crandfield oo ay ka baratay culuunta maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Catriona Laing kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Xilalkii ay soo qabatay waxaa ugu danbeeyay, in ay ahayd wakiilka sare ee dalka Britain u qaabilsan dalka Nigeria laga billaabo Nofeembar sanadkii 2018 ilaa Abriil 2023.

James Swan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo Soomaaliya Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News