MOGADISHU (KAAB TV) –Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa walaac ka muujiyay xariga, caga-juglaynta iyo faafreebka lagu hayo suxufiyiinta Somaliland, isagoo xusay in saddexdii toddobaad ee u dambeeyay la xiray 10 wariye.
Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Booliiska Somaliland ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa xabsiga u taxaabay afar wariye oo kala ah: Siciid Muuse Faarax (Siciid Qurbaawi) oo ka tirsan TV-ga Sabar, Ibraahim Cabdi Aadan ( Murti), Maxamed Yuusuf Ilkacase, iyo Siciid Cabdiraxmaan. Suxufiyiintu waxa ay tabinayeen socdaal uu wasiirka waxbarashada Somaliland Ismaaciil Yuusuf Ducaale ku tagay dugsiyo ku yaala magaalada Ceerigaabo oo la sheegay in saddex dugsi oo deegaanka ah albaabada loo laabay, isla markaana ay saxafiyiintu wasiirka wax ka waydiiyeen xidhitaanka dugsigaasi.

Afartan wariye ayaa booliisku garaaceen oo laad la dhaceen kadib markii ay damceen inay wasiir Ducaale wax ka weydiiyaan booqashadiisa. Sida ku cad waraysiyo ay SJS samaysay, waxa lagu xidhay saldhiga booliska muddo todoba saacadood ah ka hor inta aan la sii dayn iyada oo aan wax dambi ah lagu soo oogin. Wariye Caydaruus Jaamac Maxamed oo ah wariye shanaad ayaa waxaa u suurtagashay in uu xabsiga ka baxsado. Wuxuu u sheegay SJS inuu nabarro ka soo gaaray dhabarka iyo lugaha ka dib markii uu ka soo dhacay gaari booliis ah.
Sabti,September 27, 2013 (HOL) — Booliiska Somaliland ee magaalada Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay wariye Maxamed Wadaad oo ka tirsan warbaahinta deegaanka, kaddib markii uu ka warbixiyay xariga maamulka Somaliland kula kacay odayaal beeleed ku sugnaa magaalada Wajaale. Ururka saxafiyiinta Somaliland ayaa u xaqiijiyay SJS xadhiga wariyaha. Odayaashan ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaliilay go’aanka xukuumaddu ku doonayso inay ku qabsato dhulka Wajaale, taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen. Mohamed Wadiin, oo inta badan wax ka sheega boggiisa Facebook oo ay ku xidhan yihiin in ka badan 100,000, ayaa xabsiga la dhigay. Suxufiyiin ku sugan Gabiley ayaa SJS u sheegay inuu weli xidhan yahay amar la’aan, inkastoo dastuurka Somaliland uu mamnuucayo in la xidho iyada oo aan sharciga loo marin.

12-kii Sebtembar, booliska Somaliland ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa xabsiga u taxaabay Cabdicasiis Saleebaan Sulub, oo sidoo kale loo yaqaan Cabdicasiis Cawl, oo ah weriye ka tirsan KF Media TV, oo ah mid ka mid ah warbaahinta internetka. 13kii Sebtembar, maxkamadda gobolka Togdheer ayaa ogolaatay codsi ay booliiska ku dalbanayaan in 7 maalmood xabsiga lagu sii hayo weriyaha, inta baaristu socoto. Lama sheegin sababta rasmiga ah ee loo xiray. Hase yeeshee, weriyeyaasha deegaanka ayaa SJS u sheegay in amarkan uu ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Togdheer, isagoo Cabdicasiis ku eedeeyay warar aan wanaagsanayn. 27kii Sebtembar, Maxkamadda Gobolka Togdheer waxay sii deysay Cabdicasiis, ka dib markii uu xidhnaa 18 maalmood. Laakiin sida uu sheegay qareenka deegaanka iyo difaacayaasha xuquuqal insaanka, weriyaha ayaa weli xabsiga ku jira in kasta oo wax dambi ah lagu waayay, iyadoo xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Togdheer oo matalayay guddoomiyaha uu racfaan ka qaatay go’aanka maxkamadda.
11kii Sebtembar, booliska Somaliland ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xidhay saddex weriye oo kala ahaa: Weriyaha Horn Cable TV Axmed Sheekh Muuse Xasan (Buudhi), weriyaha CBA TV, Cabdirisaaq Cumar Meecaad (Awliyo) iyo sawir qaade Axmed Dayib. Saxafiyiinta deegaanka ayaa SJS u sheegay in xadhigaasi kooban uu amray Badhasaabka Gobolka Awdal. Saddexda qof ayaa lagu xidhay saldhiga magaalada Boorama, waxaana isla maanta la sii daayey. Lama sheegin sababta rasmiga ah ee loo xiray. Hase yeeshee, weriyeyaasha ayaa SJS u sheegay in guddoomiyuhu ka cadhooday warfidiyeennada maxalliga ah ee dhaleecaynta u jeedinaya isaga, gaar ahaan markii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro socdaal ku tegay Boorama.

3-dii Sebtembar, weriye Axmed Maxamuud Dool oo fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa la sii daayey ka dib markii uu 30 maalmood ku xidhnaa xabsiga oo ay u haysay waaxda dembi-baadhista ee Somaliland (CID). Waxa la xidhay 5-tii bishan August, ka dib markii uu bartiisa Facebook-ga ku baahiyey maqaal la sheegay inuu qoray Garyaqaan dawladeed oo hore u ahaan jiray, kaas oo xubno ka tirsan Booliska ku eedeeyey inay ku lug lahaayeen laba kiis oo dil ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Qoraal uu weriyaha isla maalintaas soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa lagu sheegay in xadhigiisu la xidhiidho inuu ka warbixiyey kiis dil ah oo ka dhacay magaalada Hargeysa. Axmed Dool oo u warramayay SJS, waxa uu sheegay in si midaysan loogu yeedhay si uu uga warbixiyo dambi-baadhista Booliska Hargeysa, isla markaana la xidhay markii uu yimid. Kiiskan oo ay u fadhiisatay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, ayaa qareenka dawladdu ku eedeeyay “in uu faafiyey warar been abuur ah”. Ka dib markii ay muddo bil ah xidhnaayeen, qareenadii u doodayey waxay ku guulaysteen in dacwadda loo gudbiyo maxkamadda degmada Hargeysa 3 September. Maxkamaddaasi waxay soo rogtay ganaax dhan 1,500,000 oo Shilinka Somaliland ah (qiyaastii $150). Axmed Dool ayaa bixiyay ganaaxii, waxaana la sii daayay isla maalintaas.

Waxa uu SJS u sheegay in lacagta uu ku ganaaxay aysan ahayn in uu qirtay dambiga uu galay, balse uu aaminsan yahay in uusan heli doonin cadaalad haddii kale, isagoo xusay in maxkamadda gobolku ay muddo bil ah si bareer ah dib u dhigtay dhageysiga dacwadda oo ay garwadeen ka yihiin madaxda sare ee dowladda. Sawirada Axmed Dool oo silsilado ku xidhan ayaa lagu arkayay internetka xiliyada uu ku soo noqnoqday dacwadaha, taasoo keentay in walaac laga muujiyo qaabka loola dhaqmo suxufiyiinta dhaliila Somaliland.
Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland ayaa wajahaysa cadaadis aan hore loo arag, inkastoo ay hore u rajaynayeen xorriyad weyn ka dib doorashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku guulaystay bishii November ee sannadkii hore. Ilaa hadda, SJS waxa ay diiwaangelisay xadhiga 24 suxufi sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, halka laba xarumood oo warbaahin ah la mamnuucay.
“Xabdhisyada soo noqnoqda ee saxafiyiinta Somaliland saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxay muujinayaan hannaan khatar ah oo caga-jugleyn iyo faafreeb ah, runtii waxaan ka walaacsanahay in xorriyadda saxaafadda ay khatar weyn ku jirto, falalkani ma aha oo kaliya inay aamusiyaan codadka madax-bannaan ee waxay sidoo kale wiiqayaan xuquuqda dadweynaha ee xogta,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin.”Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inay si degdeg ah xorriyadooda ugu soo celiyaan dhammaan suxufiyiinta xiran, gaar ahaan Cabdicasiis Saleebaan Sulub, oo sidoo kale loo yaqaan Cabdicasiis Cawl, inay ixtiraamaan xuquuqdooda dastuuriga ah, ayna xaqiijiyaan jawi ammaan ah oo ay saxaafaddu si xor ah ugu shaqeyso,” ayuu Mr. Muumin hadalkiisa ku daray.

