Muqdisho (Kaab TV)– Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta shaaciyay in shaqada ciidanka uu ka eryay 32 askari kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka asluubta Taliyaha ayaa sheegay in askartaan uu shaqada ciidanka uga saaray laba maalmood gudahooda kadib markii ay ku cadaatay in ciidanka ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Laba beri gudaheeda 32 qof oo xashiish cabayaal ah ayaa gacanteyda ku rusqeeyay oo irida laga saaray Fadhiyada dhiman ee alkuulista keenin bal Ilaahay idinku dhaarshe keena waa rusqeynayna Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxa uu sheegay inay rabaan ciidan nadiif ah oo ka maran daroogo oo ka tarjumaya sharafta ciidanka Soomaaliyeed.
Tallaabadan uu qaaday Taliye Shub ayaa daba socota amar uu dhawaan faray saraakiisha ciidanka asluubta kaasi oo kaga dalbaday inay usoo gudbiyaan askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya.
Si kastaba Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.