Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si cajiib ah uga fal-celiyay tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir kadib markii uu uleeyay dhalinyaro ku caaweyneysay xeebta LIido ee magaalada Muqdisho kuwaas oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.
Cabdiraxmaan Cabdishuur oo bilaabay Barnaamij uu ugu magac daray Wacyi ayaa ciwaan uga dhigay Dhalinyarada Liido lagu budeeyey Diinta iyo Dawladnimada ma u dawaa mise waa u daran?.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qofka mas’uulka uusan isku noqon karin sharci dajiye iyo in isla isagii uu ciqaabo eedeysanaha ama dambiilaha sida uu hadalka u dhigay.Qof isagii sharci dajiye ah oo waxaan inay xun yihiin tilmaamaayo waxa laga sameynaayo oo ciqaab ah dajinaayo ka bacdi fulinaayo qof isku noqonaayo ma jiro, waana xadgudub ayuu yiri Xidlhibaan Cabdishakuur oo ka falceliyay tallaabadii uu qaaday Yuusuf Madaale iyo Waxa kale oo uu intaasi ku daray in madaxda dowladda guud ahaan looga baahan yahay adeeg dowladeed iyo inay cadaalad u sameeyaan dadweynaha Soomaaaliyeed.
Hasayeeshee hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu Duqa magaalada Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada.