SO | EN

SO | EN

Puntland oo jawaab ka bixisay eedeyntii Xasan Sheekh

|

Garoowe (Kaab TV)– Dowlad goboleedka Puntland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn uga digay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan doorashada maamulkaasi Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan Wasiirka caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa eedda madaxweynaha mid waxba kama jiraan ah sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdiwahaab ayaa xusay in aysan burbureyn Puntland, isla-markaana ay muhiim tahay in waxa laga barto dabeylihii siyaasadeed ee hore iyo sida looga soo gudbay Puntland burburi mayso balana kama jirto Waxaa fiicnaan laheyd in wax laga barto duulaamadii wajiyada badnaa ee horey loogu soo qaadey Galkacyo, Suuj Garmaal iyo Garacad, iyo duufaamihii siyaasadda ee dhammaantood isku ujeedka ahaa laguna guul daraystay kuligood ayuu yiri wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Puntland.

Lama oga sida ay waxa noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Puntland oo kasii dartay markii Khamiistii golaha wasiirada maamulkaas ay ansixiyeen wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud.

Si kastaba madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News