SO | EN

SO | EN

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo cambaareyay xarigga laba wariye oo ka tirsan Himilo Somali TV

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa ay cambaareynayaan xadhiga laba wariye oo ka tirsan Himilo Somali TV (Himilo Media) oo lagu kala magacaabo Axmed Maxamed Aadan iyo wariye Khadar Cabdiraxiim Ibraahim, kuwaas oo maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd 12-kii Oktoobar 2025 ay booliska Soomaaliya ku xidheen magaalada Muqdisho, ka dib markii ay weerareen Studio-ga Idaacadda.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa Booliska oo fulinaya amarka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan C/llaahi iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa weerar ku qaaday Istuudiyaha Himilo Media ee ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Sida laga soo xigtay maamulka idaacaddu, wariyeyaasha ayaa isku soo xiray istuudiyaha, taasoo keentay in booliska ay si ku meel gaar ah uga baxaan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa saraakiisha Saldhigga Waaberi waxa ay khadka telefoonka kula xidhiidheen Agaasimaha Warbaahinta Himilo Axmed Maxamed Aadan iyo Wariye Khadar Cabdiraxiim Ibraahim, iyaga oo uga yeedhay saldhigga. Markii ay yimaadeen labada weriye waa la xiray oo xabsiga la dhigay. Waxaa loo sheegay in xarigooda uu la xiriiro warar ay Himilo Media ka qortay dad xoog looga saaray magaalada Muqdisho.

Maqribnimadii ayaa Agaasime Axmed Maxamed Aadan la sii daayay iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin halka Wariye Khadar Cabdiraxiim Ibraahim uu weli ku jiro xabsiga.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Saldhiga ayaa SJS u sheegay in Macalin Mahdi oo ah Taliyaha Booliska Muqdisho, horayna uga soo goostay Kooxda Al-Shabaab uu ka dalbaday Warbaahinta Himilo in ay tirtirto saddex warbixin oo dhawaan daabacday oo ku saabsan in qoysas danyar ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur laga barakiciyo magaalada Muqdisho si qasab ah.

Mid ka mid ah warbixinadaas ayaa waxaa ka mid ahaa wareysi lala yeeshay nin oday ah oo lagu magacaabo Axmed Siicow Maxamed, kaasi oo ay ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay garaaceen oo ay jiiteen xilli ay 24-kii bishii hore ee September howlgal xoog ah ka sameeyeen xaafadda Siinaay. Labada warbixin ee kale waxay iftiimiyeen nin dhaawac ah oo gurigiisa la dumiyay iyo dhowr dumar ah oo jilicsan oo guri la’aan looga tagay.

Agaasimaha Himilo Media ayaa SJS u sheegay in hay’addu ay diiday inay u hoggaansanto dalabkan.

Screenshots: The police demanded that Himilo Media delete three of their reports that featured forcibly evicted families in Mogadishu.

SJS waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhiga labadan wariye ee ka tirsan Himilo Media. Warbaahinta Himilo ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si isdaba joog ah loo bartilmaameedsaday warbixintii geesinimada lahayd ee ay ka qortay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee dowladda, oo ay ku jirto barakicinta joogtada ah ee lagu hayo beelaha la heyb sooco ee Muqdisho.

Waxaanu codsanaynaa in si degdeg ah loo sii daayo Khadar Cabdiraxiim, waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo cago-juglaynta, caga-juglaynta iyo faafreebka lagu hayo suxufiyiinta ka hawl-gala Himilo Media.

“Tallaabooyinka ay booliiska Soomaaliya kula kacaan Warbaahinta Himilo iyo saxafiyiinteeda waxay ka dhigan tahay ku takri-fal awoodeed iyo xad-gudub ba’an oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqul insaanka,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin, Xoghayaha Guud ee SJS “Xadhigga suxufiyiinta iyo amarrada lagu tirtirayo wararka ku saabsan raritaan qasab ah waa isku day aan la aqbali karin oo lagu doonayo in lagu aamusiyo wararka muhiimka ah laguna qariyo xadgudubyada ka dhanka ah bulshada nugul ee Muqdisho.”

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo wariye Khadar Cabdiraxiim Ibraahim, waxaana u soo jeedinaynaa maamulka inay joojiyaan dhammaan noocyada caga-juglaynta, caga-juglaynta iyo faafreebka lagu beegsanayo Warbaahinta Himilo iyo suxufiyiinta kale ee madaxa-bannaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Muumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News