SO | EN

SO | EN

SJS oo lagu sharfay Abaalmarinta Xuquuqda Aadanaha ee Tulip ee Nederlaan

|

THE HAGUE, Netherlands, 12 December 2025 –Qasriga Nabadda—Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee Hague, Netherlands—Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa lagu sharfay mid ka mid ah tobanka difaacayaasha xuquuqal insaanka caalamiga ah ee 2025-ka ee Xuquuqda Aadanaha ay ku abaalmarisay Dowladda Netherlands.

Xafladda oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee 10-ka December, ayaa waxay SJS iyo dhaqdhaqaaqa xoriyadda saxaafadda Soomaaliya u ahayd waqti taariikhi ah. Anigoo ku hadlaya magaca SJS, Abaalmarinta Tulip-ka deegaanka waxa gudoomay Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin.

Aqoonsigan ayaa imanaya saddex sano oo keliya ka dib markii SJS ay u adkaysatay mid ka mid ah xilliyadeedii ugu madoobaa. Magaalada Muqdisho, waxaa si xoog leh loogu weeraray xafiiska SJS; Xoghayihii guud, Cabdalle Muumin, waa la afduubay, la jirdilay, waxaana lagu xidhay qol dhulka hoostiisa ah oo ka baxsan bini’aadantinimada. Waxa xigay cadaadis daba dheeraaday iyo maxkamadayn been abuur ah oo loogu talagalay in lagu cabsi geliyo codadka difaacaya xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Haddana, saddex sano ka dib—oo aad uga fog khatarta Muqdisho iyo magaalada Hague— wufuudda SJS ayaa si diiran loo soo dhaweeyay oo loo dabaaldegay. Anagoo garab taagan toban difaaceyaal iyo ururo xuquuqal insaanka caanka ka ah oo ka kala yimid daafaha aduunka, matalayey luuqado kala duwan, duruufo iyo halganno kala duwan, waxaanu dib u xaqiijinay xaqiiqo caalami ah: Xuquuqul insaanka waa xuquuq aan la duudsiin karin dadka oo dhan.

Hadalkan waxaa ku celceliyay danjiraha xuquuqul insaanka Nederlaan, Wim Geerts, oo sheegay in “cadaalad iyo nabadda la heli karo oo keliya marka ay jirto ixtiraamka xuquuqda aadanaha.”

Netherlands Human Rights Ambassador, Wim Geerts, stated that “justice and peace can only be achieved when there is respect for human rights.”

Iyadoo dunidu ay u dabaaldegayso sannadguuradii 77aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR), mawqifka SJS ayaa weli ah mid adag. Adkaysigeenu waxa uu salka ku hayaa qirasho aan la dhayal-san karin oo ah in runta, sharafta iyo cadaaladdu ay mudan yihiin in la difaaco—iyada oo aan loo eegin qiimaha ay ku kacayso. Xataa markii la aamusay, la beegsaday, oo la horgeeyay maxkamadaha cadawga, SJS waxay diiday inay ka tagto hawsheeda.

“Sharaf bay noo tahay inaan helno abaal-marintan qaaliga ah, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, aqoonsigan ma matalo xubnahayaga oo keliya ee waa dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed, waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan sii laba-jibaarno dadaalkeenna oo aan sii wadno shaqadeenna annagoo go’aan ka sii weyn leh,” ayuu yiri Madaxweynaha SJS Maxamed Ibraahim.

“Guusha abaal marinta tulip ma ahan mid anaga oo kaliya ah- waa guul u soo hoyatay difaacayaasha xuquuqul insaanka ee aduunka oo dhan, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya khatarta, goobaha colaadaha, iyo goobaha ugu adag,” ayuu raaciyay Mudane Ibraahim.

SJS waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaysaa qabanqaabiyeyaasha Xuquuqul Insaanka Tulip, dawladda Nederlaan, iyo soo dhawaynta dadka Nederlaan. Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan walaalaha ku guuleystay Abaalmarinta Tulip ee ka kala yimid Sudan, Yemen, Falastiin, Indonesia, Bangladesh, Colombia, Chile, Hungry iyo Ukraine.

The ceremony, held on International Human Rights Day, December 10, took place at the Peace Palace—the seat of the International Court of Justice in The Hague, Netherlands.

At the Peace Palace—the seat of the International Court of Justice in The Hague, Netherlands—the Somali Journalists Syndicate (SJS) was honored as one of ten global human rights defenders awarded the Human Rights Tulip by the Government of the Netherlands.

Moment of celebration with Maral Khajeh from Shelter City in The Hague. | PHOTO/SJS.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News