MUQDISHO, Soomaaliya, 14 December, 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa walaac xooggan ka muujinaya xariga sharci darrada ah, takoorka salka ku haya isir-nacaybka, iyo jirdilka lagu eedeeyay wariye Shariif Shuuriye Xaashi, oo tan iyo Isniintii 8-dii December 2025 ku xirnaa saldhigga booliska magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Shariif Shuuriye Xaashi oo 35 jir ah oo ka tirsanaa wariyeyaasha TV-ga Universal ee Soomaaliya, ayaa 8-dii December laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Jowhar, waxaana xabsiga u taxaabay ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Sida ay ku soo waramayaan wariyaasha ku sugan magaalada Jowhar, xariga ayaa waxaa hogaaminayay Xasan Jabshe oo ah Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Jowhar.
Xaaskii Shariif ee dhawaan guursaday, Xamdi Muuse Digow, oo iyaduna 35 jir ah, ayaa isla maalintaas la xiray. Labaduba waxay ku sii jiraan xabsiga booliska.
Intii uu xirnaa Shariifka ayaa SJS u sheegay in la garaacay, lagana xiray xarig, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray garaacista, oo ay ka mid yihiin barar dhanka dambe ee madaxa ah, welina uu dareemayo xanuun daran. Wuxuu intaas ku daray in loo diiday daryeel caafimaad. Xubin qoys ayaa sidoo kale u sheegay SJS inay aad uga walaacsan yihiin xaaladiisa caafimaad oo sii xumaanaysa taasoo ay ugu wacan tahay xadgudubka iyo daryeel la’aanta caafimaad ee loo geystay intii uu xabsiga ku jiray.
Sabti, December 13, 2020 (HOL) — Booliiska ayaa Shariif iyo xaaskiisa horgeeyay maxkamadda degmada Jowhar, iyagoo ku eedeeyay in guurkooda- oo dhacay Sebtembar 2025- uu ahaa “mid sharci darro ah.”, sida lagu sheegay warbixin ay qortay warbaahinta gudaha. Maamulka ayaa la sheegay in Shariifka oo ka soo jeeda beesha Jareer (Bantu) uusan si sharci ah u guursan karin haweeney u dhalatay beesha Hawiye/Xawaadle. Xogtan waxaa soo tabisay Warbaahinta Himilo, waxaana SJS u xaqiijiyay Wariye iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha oo ka soo qeyb galay dhageysiga Maxkamada.
Intii ay socotay dacwaddu, Shariif iyo Xamdi waxay ku adkaysteen inay “si sharci ah oo raalli ah” isku guursadeen waxayna soo bandhigeen markhaatiyo nikahooda, kaasoo ka dhacay 25kii Sebtembar 2025 magaalada Jowhar, sida ku cad dukumeenti ay aragtay SJS. Booliska Jowhar ayaa sidoo kale soo bandhigay nin ka mid ah dadka deegaanka, kaasi oo Shariif uu ku sheegay inuu yahay wadaadkii waday nikaadka, iyadoo ay la socotay cadeymo ku saabsan lacagaha moobilada ah ee lagu shubtay xafladda niikada. Hase ahaatee, sida ay sheegeen dadkii maxkamadda ku sugnaa, isla Sheekha ayaa markii dambe ka noqday hadal uu maxkamadda ka sheegay oo uu sheegay inuusan isagu guursan.
Xamdi Muuse Digow oo weli ku jirta xabsiga ayaa la hadashay wariye ka tirsan deegaanka, waxayna sheegtay in iyada iyo seygeeda loo xiray cadaadis uga yimid beesheeda. Waxay sheegtay in “loogu xidhan yahay inay guursatay nin ay xidhiidh wada lahaayeen muddo toban sano ah”.
Oday beeleed codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa SJS u sheegay in odayaasha labada beelood ay kulmeen kadib dhageysiga maxkamadda Sabtidii si ay u xaliyaan arrinta. Wadahadalladu waxay ku dhamaadeen heshiis la’aan, iyadoo xubnaha qoyska Xamdi la sheegay inay ku adkaysteen in guurka bulshada Bantu “uu yahay mid aan la aqbali karin”. Ilo-wareedyo kale ayaa SJS u sheegay in Taliye ku-xigeenka Booliska Xasan Jabshe oo kiiskan si weyn ugu lug leh uu ka soo jeedo Xamdi oo ay isku beel yihiin.
Xasan Jabshe iyo taliska booliiska Jowhar labaduba way ka gaabsadeen inay la hadlaan SJS.
Shariif Shuuriye Xaashi waxa uu ka soo jeedaa beesha Jareer (Bantu) ee Koonfurta Soomaaliya taariikh ahaan la takooro. Waxa uu ka soo haajiray magaalada Buuloburte ee bartamaha Soomaaliya dhowr sano ka hor, halkaas oo uu ka bilaabay shaqadiisa weriye junior oo idaacad ka tirsan idaacadaha maxaliga ah. Magaalada Jowhar, waxa uu uga soo shaqeeyay Idaacaddii Maxaliga ah ee City FM ka hor inta uusan ku biirin TV-ga Universal ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho oo uu ka ahaa wariyaha Jowhar.
Todobaadyadii la soo dhaafay, Shariif waxa uu ka warbixiyay laba sheeko oo muhiim ah oo xasaasi ah. 23kii Noofambar 2025, wuxuu sheegay in “qiimaha shidaalka uu aad u kordhay” ka dib markii al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida ay xireen waddooyinka Jowhar soo gala oo ay xireen darawallo booyad ah oo shidaal ka soo qaaday Muqdisho. Maalmo ka hor xarigiisa, 2dii Diseembar 2025, wuxuu ka warbixiyay “kor u kac xooggan oo ku yimid qiimaha dalagga sisinta ee suuqyada Jowhar”, isagoo u sababeeyay abaaro soo noqnoqday iyo fatahaado saameeyay beeraleyda Shabeellaha Dhexe.
Maamullada ka jira Hirshabeelle ayaa caadeystay beegsiga suxufiyiinta iyo faafreebka warbaahinta soo tabisa horumar la’aanta ka jirta gobolka iyo saameynta joogitaanka al-Shabaab ay ku leedahay nolosha bulshada deegaanka.
“SJS waxay si adag u cambaareyneysaa xariga sharci darrada ah, xadgudubka, iyo xarigga joogtada ah ee lagu hayo weriye Shariif Shuuriye Xaashi iyo xaaskiisa Xamdi Muuse Digow. Xarigoodu wuxuu ka dhigan yahay ku takri fal awoodeed, oo ay ka dambeeyaan takoor iyo caga-jugleyn halkii sharciga waafaqsan. Cabdalle Muumin.
“Boolisku waa in ay diiradda saaraan mas’uuliyadda ugu weyn ee ka saaran sugidda amniga guud iyo ilaalinta rayidka, in aan la xirin suxufiyiinta ama aysan soo jeedin eedeymo been abuur ah iyo kuwo faragelin ah oo ku saabsan sharcinimada guurka shaqsiga ah. Cabudhinta xorriyadda saxaafadda.”

