SO | EN

SO | EN

DAAWO:Garmaqalka Kiiska Heyb-sooca ee Wariye Shariif oo Maalintii 3aad ka socota Maxkamadda Magaalada Jowhar

|

JOWHAR (Kaab TV) –Magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle waxaa maalintii sedexaad ka socoto maxakamadeeynta iyo Garmaqalka wariye shariif shuuriye xaashi iyo xaaskiisa oo mudo xabsiga ku jira seddex maalin Taas oo la yaab ku noqotay Bulshada soomaaliyeed.

Shariif Shuuriye Xaashi oo 35 jir ah oo ka tirsanaa wariyeyaasha TV-ga Universal ee Soomaaliya, ayaa 8-dii December laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Jowhar, waxaana xabsiga u taxaabay ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Sida ay ku soo waramayaan wariyaasha ku sugan magaalada Jowhar, xariga ayaa waxaa hogaaminayay Xasan Jabshe oo ah Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Jowhar.

Xaaskii Shariif ee dhawaan guursaday, Xamdi Muuse Digow, oo iyaduna 35 jir ah, ayaa isla maalintaas la xiray. Labaduba waxay ku sii jiraan xabsiga booliska.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News