SO | EN

SO | EN

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee dastuur bedelka oo lagu kala tagay ka dib feer iyo rabshad hareysay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta lahaayeen xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala tagay, ka dib markii dagaal gacan ka hadal ah iyo rabshad ay hareysay.

Kulanka oo uu guddoomnin lahaa Afhayeenka Aqalka Hoose, Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Aqalka Sare Shacbaan Ibraahim, ayaaku bilawday fawdo iyo buuq iyadoo xildhibaanada mucaaradka ay soo qaateen firimbiyo, ayna garacayeen caagado iyagoo diiddan ajendaha oo ahaa ka doodista “wax ka beddelka cutubyada 5aad iyo 9aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka Soomaaliya” kaasoo muran badan uu ka taagan yahay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka kulanka iyadoo ay ahayd inuu joogo kulamada wadajirka ee labada aqal taasoo muujineysa kala qeybsanaanta xooggan ee ka dhex jirta Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Ibraahim oo ka tirsan mudanayaasha kasoo jeeda Jubaland ayaa sheegay in kulanka uus furmi waayay ka dib markii ay diideen xildhibaanadu ajendaha.

“Ma jirto wax ajende ah oo la ansixiyay. Meeshu waxay noqotay meel dagaal iyo buuq uu hareeyay, sidaas ayaana lagu kala tagay,” ayuu yiri xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay ka dib markuu shirku fashilmay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in wax ka beddelka dastuurka ay tahay sharci darro, isla markaana waqtiga hadda u harsan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaankaba ay tahay saddex bilood iyo bar kaliya, sidaa darteedna aysan sax ahayn in dastuur la bedelo waqtigaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa dhankiisa ka digay in haddii uu guddoomiyaha Baarlamaanka (Aqalka Hoose) Aadan Madoobe ka joogsan waayo keenista ajendayaal aan la isku raacsanayn, ay sababi karto inay xilka ka qaadaan isaga.

“Hadduu Aadan Madoobe ku socdo ajende aan la isku raacsanayn waxaan ka qaadi doonnaa xilka, aniga ayaana fadhiisanayaa kursigiisa,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Wasirka amniga gudaha ahna xildhibaan, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah mudanayaasha muxaafidka ayaa dhankiisa ku eedeeyay mucaaradka hor istaag aan sharci ahayn oo ay ku sameeyeen wax ka beddelka dastuurka.

Waxaa jirtay in xildhibaan Fartaag iyo xildhibaan Xasan Ibraahim uu dhexmaray gacanqaad ay isku feereen, xilli uu baarlamaanka isu rogay gole dagaal uu ka sodco, saxaafadduna ay goobjoog u ahayd.

Afhayeenka Baarlamaanka, Aadan Madoobe ayaa goordhow soo saaray qoraal uu ku sheegay in 180-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31-Senator oo Aqalka Sare ah, ay soo xadireen naanta.

“Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 180-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31-Senator oo Aqalka Sare ah, waxaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo qeybiyey warbixinta soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, warbixinta faahfaahinaysa soojeedimaha iyo sidoo kale soojeedin kooban oo ku saabsan wax-kabeddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4aad,” ayuu qoraal ku yiri xafiiska Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa dhammaaday abbaare waqtigii duhurka, iyadoo buuqa iyo fawdada ay si weyn u hareysay kulanka maanta.

Waxaa dhacdadan ay imaaneysaa iyadoo shalay guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen wax ka beddelka lagu mursan yahay ee dastuurka ku-meel-gaarka Soomaaliya, kaasoo sannadkii 2023 lagu billaabay wax ka beddel ay diideen dowlad gobolleedyada qaarkood iyo madasha mucaaradka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News