DUBAI (Kaab TV) – Sida uu baahiyay wargeyska New York Times, waxaa amar la siiyay dhammaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee Safaaradda Mareykanka ku leeyahay Israel, gaar ahaan Jerusalem.
Mike Huckabee, oo ah danjiraha uu magacaabay madaxweyne Donald Trump oo ah safiirka Washington u jooga Israel, ayaa email u diray dhammaan shaqaalaha safaaradda ee ku sugan Qudus (Jerusalem), isagoo u sheegay in cid kasta oo doonaysa inay baxdo ay qabsato “duulimaad kasta oo la heli karo” kana tagto dhulka Israel ka hor inta uusan maalintaasi dhammaan.
Safaaradda ayaa loo beddelay heerka loo yaqaan “authorized departure,” taas oo macnaheedu yahay in dowladda Maraykanku bixinayso kharashaadka daad-gureynta shaqaalaha aan daruuriga ahayn iyo qoysaskooda.
Wargeyska The New York Times ayaa helay nuqulka emailka. Waqtiga ku qoran emailka waa 10:24 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.
Arrintaan ayaa timid iyadoo wadamada caalamka ay billaabeen in muwaadiniintooda kala baxaan Iran, ka dib cabsi laga qabo in Mareykanka uu duqeeyo Iran.
Haddii Iran la duqeeyo waxaa laga cabsi qabaa inay iyaguna beegsadaan Israel.
Waddamada dadkooda kala baxaya Iran
Waddamada UK, Germany, India iyo China ayaa dhammaantood amray in cid kasta oo muwaadiniintooda ah ay isaga baxaan Iran.
Dowlada UK ayaa maanta shaacisay in shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee jooga Tehran ay kasoo qaadanayso.
Canada ayaa sidoo kale muwaadiniintooda ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Iran, sababo la xiriira suurtagalnimada colaado.
Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii Washington iyo Tehran ay yeesheen wada-hadallo loo arkayay isku daygii ugu dambeeyay ee looga hortagayo dagaal ka dhasha barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

