MUQDISHO (Kaab TV) –Ciidanka Badda ee Turkiga ayaa si rasmi ah u bilaabaya hawl-gal ay ku tegi doonaan Soomaaliya Isniinta soo socota. Ugu yaraan afar markab ayaa ka qayb qaadan doona Kooxda Hawl-galka Badda ee Turkiga iyo Soomaaliya, kuwaas oo bixin doona ilaalin badeed.
Talaabadan ayaa ah si loo sugo amniga hawlaha sahaminta iyo horumarinta saliidda iyo gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale mashaariic kale oo ganacsi oo ay si wadajir ah u fulinayaan labada dal.
Hawl-galka ayaa qayb ka ah iskaashi ballaaran oo dhinaca difaaca iyo tamarta ah oo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen sanadkii 2024, kaas oo u oggolaanaya shirkadaha Turkiga inay sahamiyaan khayraadka shidaalka ee ku jira biyaha Soomaaliya.
Heshiiskan wuxuu sidoo kale Turkiga ku waajibinayaa inuu gacan ka geysto ilaalinta xeebaha iyo horumarinta awoodda ciidanka badda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga, maraakiibta dagaalka waxay sidoo kale taageero siin doonaan markabka cilmi-baarista iyo qodista ee Çağrı Bey oo bartamihii bishii Febraayo usoo shiraacday Soomaaliya , kaas oo qorshuhu yahay inuu sameeyo sahamin qoto dheer oo saliid iyo gaas ah gudaha aagga badda ee Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in qodista ceelasha shidaalka ay ka bilaaban karto 2026 xeebaha Soomaaliya, taasoo ah tallaabada lagu xaqiijinayo in markii ugu horraysay xeebaha Soomaaliya laga soo saaro shidaalka ganacsi ah.

