MUQDISHO (Kaab TV) – Qaar ka mid ah dadka deegaanka Shabeellaha Hoose ayaa ka digay dhul boobka ay sheegeen in laga soo abaabulay Muqdisho.
Waxgarad iyo odayaal maanta ka hadlay deegaan duleedka magaalada Marka, ayaa sheegay in kooxo caro kaawo qodanaya ay sheeganayaan dhulka ku yaalla duleedka magaalada Marka iyagoo adkeeyay in dhulku uu yahay mid ay leeyihiin shacabka deegaanka isla markaana aan si sharci darro ah loo qaadan karin.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen mas’uuliyiinta inay ka hortagaan dhul boobka isla markaana wax ka qabtaan cabashooyinka ay qabaan dadka deegaanka.

