BAYDHABO (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo, inkastoo ay jirtay xanibaad dhinaca hawada ah oo ay saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Saaka hore, dhammaan duulimaadyadii rakaabka ee ka bixi jiray Muqdisho kuna wajahnaa Baydhabo ayaa la hakiyay.
Wararka ayaa sheegaya in DFS ay isku dayday inay ka hortagto soo laabashada Madaxweyne Lafta-gareen ee Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku gudanayay Cumro. Si kastaba, ilo ku sugan Baydhabo ayaa noo sheegay in madaxweynuhu uu ka soo galay dhanka xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo maray magaalo xuduudeed.
Xitaa gudaha Baydhabo, soo laabashadiisa hore looma sii shaacin.
Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed iyo amni oo aad u kacsan kuwaas oo salka ku haaya doorashada la filaayo in dhowaan laga qabto deegaanada Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka weli kama hadlin xiisadahaan, hase ahaatee ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay diidan tahay in doorasho u gaar ah Koonfur Galbeed uu qabsado Madaxweyne Laftagareen.
Muddooyinkan waxaa taagnaa khilaaf xooggan oo u dhexeeyay xukuumadda Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, kaasoo salka ku haya isku dayga qabashada doorashooyin lagu muransan yahay, kaas oo maamulka Koonfur Galbeed uu doonaayo inuu doorashdiisa si madax-bannaan u qabsado.
Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee ka tirsan habka federaalka ee xiriirka u jara Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.
Horey waxaa Muqdisho xiriirka uga goostay maamullada Puntland iyo Jubaland sabab la xiriirta beddelidda dastuurka federaalka iyo qabashada doorashooyin aan lagu heshiin taasoo ay maamullada ku eedeyeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay dooneyso waqti kordhin.
Rabshado dhiig ku daatay ayaa ka qarxay magaalada Baydhabo horraantii bishii Febraayo ee sannadkaan ka dib markii kooxo maleeshiyaad ah oo sida la sheegay taageero ka helaya siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay la dagaalameen ciidamada amaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisadan ahaa sababay in magaalooyinka Buurhakaba iyo Qansax Dheere ay u gacangalaan kooxo maleeshiyaad ah oo ka horjeeda maamulka Koonfur Galbeed.

